Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo AMISOM ah oo isaga baxay Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.
Waxa uu sheegay Ciidanka baxay in ay ahaayeen kuwa Itoobiya oo loo soo diray la dagaalanka Shabaab, oo aysan jirin Ciidamo AMISOM oo baxy.
Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay goobaha ay ka baxeen Ciidanka Itoobiya in ay la wareegi doonaan Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Hoos ka Dhageyso Codka:-