Qarax bomb ayaa Ciraaq ku dilay ku dhawaad '80 Shiico oo siyaaranaysay'

0

Ugu yaraan 70 Shiico oo siyaaranaysay ayaa ku dhintay qarax bamb ee ka dhacay jidka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Qaraxa ayaa lala beegsaday saldhig batrool iyo maqaayad oo u dhawaa al-Hilla, oo 100km (60 miles) ka xigta koonfurta Baqdaad.

Jidka ayaa waxaa ka buuxay dad ka soo noqonaya siyaarada Arbaeen ee magaalada Karbala. Madaxa ammaanka gobolka, Falah al-Radhi, ayaa sheegay dadka dhintay inay u badnaayeen reer Iran.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ee IS, ayaa sheegtay inay qaaday weerarka.

Busas waday Shiicada Iran oo siyaaranayay ayay u eg tahay in lagu beegsaday weerarka, oo ka dhacay meel u dhow tuulada Shomali.

Mr Radhi BBC u sheegay in ku dhawaad 80 qof ay ku dhinteen qaraxa, in ka badan labaatana ay ku dhaawacantay. Dhimashada ayaa la filayaa inay badato.

” Waxaa jira ugu yaraan 70 dhimasho, in ka yar 10 ayaa ah reer Ciraaq, inta kale waa reer Iran,” ayuu Mr Radhi u sheegay AFP.