Dagaal u dhexeeya Labo Maleshiyo Beeleed ayaa Saaka ka soconaya Degaanka Baali oo 6KM u jira Magaalada Baledweyne ee Xarun Goboleedka Hiiraan.
Dhawaqa Rasaasta ayaa laga Maqlayaa Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baledweyne.
Sidoo kale waxaa jira Dad ku soo dhaawacmay Dagaalka oo dhaawacooda la soo gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Magaalada Baledweyne.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa dhawaan ku baaqay in Deg Deg loo joojiyo Dagaalka ku saleysan Qabiilka ee ka socda Gobolka Hiiraan.
Weli lama hayo Khasaare Rasmi ah oo ka dhashay dagaalka ka soconaya Duleedka Magaalada Baledweyne.