DHAGEYSO+SAWIRO:- Madaxweynaha oo Xariga ka Jaray Xaruntii Culuumta iyo Tiknoolajiyada Jaamacada Ummada Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xariga ka jaray Xaruntii Kulyada Culuumta iyo Tiknoojiyada ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.

Waxaa Xaflada Xaruntaan Xariga loogu jaraayay goob jog ka ahaan Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Jaamacada Ummada Soomaaliyeed, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof: Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa sheegay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay sameysay horumar xooggan isla markaana ay rajeyneyso iney a sara marto heerka ay maanta taagan tahay.

Waxa uuna Xusay in Xiriiro kala duwan ay la leeyihiin Jaamacadaha ugu waa weyn aduunka qaarkood.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu Hambalyeeyay Madaxda Jaamacada Ummada dadaalka ay wadaan iyo isbadalka ka muuqda Jaamacada.

Waxa uu Madaxweynaha Munaasabada kaga dhawaaqay in dadka degan Xarunta Kulyada Caafimaadka laga saaro si loo hormariyo Jaamacada Ummada iyo Caafimaadka Dalka.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa dib loo howl geliyay sannadkii 2013-kii,  hadda waxa ay leedahay laba Xarun oo waa weyn, waxaana dhigata Ardey ku dhow 2,000 oo Arday.

Hoos ka Daawo Sawirada, Kana Dhageyso Codka:-

2 3 4 5 6 7 8

 

j-6 j-7 j-9 j-10 j-11 j-12 j-13 j-1 j-2 j-3 j-5

 

9 10 11 1