Waxaa xaalado Biyo la’aan laga soo sheegayaa in ay ka jirto deegaanno hoostaga Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaas.
Xildhibaan Maxamed Daa’uud oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Jubbaland islamarkaana haatan ku sugan Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in biyo la’aantaas ay dhalisay in xaalado adag ay wajahaan dadka ku sugan degmooyinka Baardheere iyo Tuulooyin kale oo hoostaga.
Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Daa’uud ayaa ugu baaqay Hay’adaha Samafalka , Beesha Caalamka iyo Ganacsatada in ay si wada jir ah u soo caaiyeen Dadkaasi la daala dhacay Biyo la’aanta.
Biyo la’aantaan ayaa imaaneysa iyadoo qaar ka mid ah Gobollada dalka ay ku dhufteen abaaro aad u daran.