Madaxweynaha dalka Talyaaniga ayaa Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Federalka Somaliya ay u magacowday dalkaasi.
Madaxtooyada dalka Talyaaniga ayaa lagu qaabilay Safiirka cusub oo lagu magacaabo C/raxmaan Sheekh Ciise.
Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Magaalada Roma ayuu sidoo kale Sergio Matarella
Madaxweynaha Talyaaniga waxaa uu Danjire Cabdiraxmaan ka guddoomay Dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha dalka Talyaaniga ayaa u balan qaaday Safiirka cusub inuu wanaajin doono xiriirka Dowladda Somaliya iyo Talyaaniga, xilli Talyaaniga uu horay u gumeysan jiray Koonfurta Somaliya.
Danjire Cabdiraxaman Sheekh Ciise, ayaa Madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Matarella, ugu warbixiyay xaaladda dalka Somaliya, iyo sida ay Dowladiisa ugu qanacsan tahay taageerada Talyaaniga uu siiyo Somaliya.
Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ayaa noqonaya Safiirkii labaad oo ay Dowlada Somaliya u magacawday dalka Talyaaniga, tan iyo wixii ka dambeeyay bur-burkii dalka.