Dhaawaca Shilin Soomaaliga iyo Dhaliisheeda Cidda Qaadanaysa By C/laahi Abshir Muuse

0

Maqaalkan waxaa qoray aniga oo ah ArdayCabdullaahi Abshir Muuse (Sanco) ahna arday kamid ah ardayda dhigata kuuliyada cilmiga dhaqaalaha ee jaamacadda Puntland State University (PSU), qoraalkani wuxuu si hufan u iftiiminayaa Qeexitaan cilmiyeed ka lacag, Dhaawaca shillinkeena maxaa sababay, maxaa guud ahaan lacag loo daabacaa, yaa leh dhaliisha daabacaada lacagta shilin soomaaliga, maxaase daawo u ah dhaawaca lacagteena.

Ujeedka aan maqaalkan u qoriyo waa inaan usoo gudbiyo walaalaha soomaaliyeed aqoon dhaqaale oo ku qoran afkeena dahabiga ah ee soomaaliga iyo inaan muujiyo dhaawaca lacagteena oo aan ka cabsi qabo inay dabar go’do.

Qeexitaanka Ereyga Lacag

Dhaqaalayahaniintu Lacag waxay ku qeexeen “Wax kasta oo lagu heshiiyay in wax lagu kala badasho ama dayn la isaga baxsho” Lacagtu waxay soo martay heerar kala duwan sida lacag badeeco ah (commodity money), lacag cadadi ah (coin), lacag waraaqo ah (Fiat money), lacag jeeg ah, ilaa maanta oo la marayo lacag elektaroonig ah.

Dadka aan dhaqaalaha baran lacag iyo hanti ayay isku qaldaan. Markay rabaan inay dhahaan qofkaasi waa hantiile waxay ku dhahayaan ninkaas lacag ayuu leeyahay. Laakiin waxaa xaqiiq ah lacag iyo hanti inay aad u kala fogyihiin, maadaama hantidu ay isugu jiri karto guryo, baaabuur lacag iyo kabadanba.

Dhaawaca Lacagteena Maxaa Sababay?

Lacagteenu inay dhaawacantoo dhiigbaxdoo dhimasho ku dhawaato waxaa sababay dhowr qodob oo kala ah:

  1. Badashada daabacadeeda

Dhaawac lacagteena gaaray waxaa kamid ah inay noqotay lacag la iska daabacdo oo ay noqotay baylah aan cidna la hayn ama hal ninkii lahaaba dhacaayo. Markasta oo lacagta tiradeedu suuqa ku badotona waxaa hoos u dhacaya qiimaha lacagtaas.

  1. Qaadka

Qaadku waa badeeco kamid ah kuwa ugu badan oo soomaaliya losoo dhoofiyo waana isha kaliya ee ay lacagta ugu badan kaga baxdo dalkeena. Waa ganacsiga kaliya ee shilin soomaaliga laku kala iibsado oo hadana shilin soomaaligaas dibadda loo dhoofiyo. Taas oo keenta in lacagtii ay yaraato oo maamulkastaa dhaho lacagttii waa yaraatee aan lacag daabacno.

  1. Dowlad la’aan

Dhibaato kasta oo wadankeena ka dhacday waxaa sababtay dowlad la’aan, dunida aan maanta ku noolnahay majiri karaan bulsho ku noolaan karta dowlad la’aan laakiin nasiib darro aniga oo ah kan qoraalkan qoray iyo adiga oo ah kan qoraalkan aqrinayaba waxaan dhadhaminay sharaf xumada iyo dib u dhaca ay dowlad la’aantu leedahay.

Dowlad la’aantu waxay keentay in qofkasta lacag daabacdo yaraantaydii waxaan maqli jiray lacag la dhihi jiray lacagtii caydiid oo aan ka socon jirin gobolada waqooyi bari soomaaliya markaan soo xusuusto waxaan is dhahaa side ay ugu suurtogashay in qof lacag daabacdo hdana waxaan isku qanciyaa dowlad la’aan inay sabab u tahay iyo inaanba goob jog u ahaa sicir bararkii ugu xanuunka badnaa o ka dhacay Puntland marki ganacsato iyo dowladda o heshiiyay ay lacag faaliso ah iska daabacdeen taasoo ka tagtay raad xanuun badan oo la xusuusan doono.

  1. Maqnaanshaha bangigii dhexe.

Qodobka kale oo muhiim oo sababay in lacagteeni xumaato waa maqnaanshaha bangiga dhexe, maadaama aysan jirin cid ilaalisa tayada lacagteena waxaa fududaatay in qofkasta ay fududahay inuu lacag daabacdo oo ay lacagteeni noqoto wax aan la isku halayn Karin innaba.

  1. Faham xumida aan ka qaadnay federaalka.

Ma nihin dunida wadankii koowaad oo federal noqda mana noqon doono kii ugu danbeeyay laakiin dhibaatada ina haysata waxa waaye ma aynaanba fahmin nuxurka federaalka.

Dowlad goboleedkasta waxay rabtaa inay nidaamkeeda lacageed iyadu maamulato oo bangigoodu uu noqdo kan lacagta u sameeya, taasna waa dhaawac aan kusii dilayno lacagteenii awalba liidatay. Taas waxaaba kasii daran qeybo ka mid ah dalkeena inay samaysteen lacago gaar ah sida Maamulka Somaliland oo iyaduna ah dhaawac ay adkaanayso dhiyitaankiisu.

  1. Horumarka Dollar ka

Dunida aan maanta ku noolnahay waxaa afduub ku haysta lacag ahaan wadanka maraykanka oo ay lacagtiisu noqotay mid caalamiya. Horumarkaas ay lacagtaasi samaysay waxay saamayn taban ku yeelatay lacagteena maadaama tayadii teena ay hoos u dhacday qofkasta wuxuu isku dayayaa inuu soomaaliga ka cararo oo lacagtaas helo.

  1. Isu dheeelitirnaan la’aanta dajinta iyo dhoofinta.

Maadaama wadankeena wax dhoofitaankiisu uu aad u yaryahay aynuna wax badan dunida kasoo dhoofsano waxaa qasab ku ah ganacsatadeena inay lacagta soomaaliga u badalaan dollar si ay wax usoo dajistaan taasna waxay keenaysa in maadaama shillinkii qiimo ahaan hooseeyo inay shilin badan bixiyaan si ay u helaan dollar yar. Taas ayaa dhiirigalinaysa inay ganacsateduna wax ku iibiyaan dollar si ay uga badbaadaan khasaaraha shilin soomaaliga, taasna waxay sababtay inuu meesha ka baxo in wax lagu kala gato shillinka.

  1. Lacagta taleefoonka lagu shubto.

Dhibaatooyinka kale oo dhiig baxa kusii badiyay lacagteena waxaa kamid ah lacagahan taleefoonada lagu shubto taas oo gabi ahaanba meesha ka saartay isticmaalka shilinkeenii maadaama lacagtaasi ay tahay lacag ku qiimaysan dollar kana howl fudud isticmaalka cooshka.

intooda badan bulshadii halkaas ayay u wareegtay o waxaanba noqonay bulsho aan isticmaalin lacagta cadaanka ah (Cashless Society) malahayga mana foga maalinta la inooku yeeri doono bulsho lacag la’aan ah o aysanba jirin lacag ay isticmaalaan.

Aragtidayda gaarka ah waxaan qabaa inay tani tahay dhaawac nafta ka saari dooona shilinkeena hadaynaan helin dowlad wanaagsan oo waxka qabata dhibaatadan.

  1. Faragalinta bangiga dunida.

Waqtiyadaan danbe waxaa gobolkasta oo maamul kajiro xarumo waaweyn ka samaystay bangiga dhexe isaga oo shaqaalaysiistay dhalinyaro badan, laakiin aragtidayda bangiga aduunku wuxuu meesha kasii saari doonaa isticmaalkii shilin soomaaliga.

Maadaama awal maamulkastaa uu mushaaraadkiisa ku bixin jiray lacag soomaali ah hada waxaa imaan doonta in xittaa dowladdu mushaaraadka iyo kharashaadkeeda kale ku bixiso dollar oo waxaaba la waayi doona wax shilin soomaali qaata iyo wax raba toona.

  1. Danayn la’aanta madaxdeena.

Wadankaan hantidiisa madax baa u dhaaratay inay ilaaliyaan oo ay dhowraan, lacagtuna aragtidayda waa hantida ugu muhiimsan oo aan dunida kula macaamili karno.

Laakiin maanta madaxweynaha soomaaliya ma oga kama fakaro mana daneeyo tayada lacagtaan qorshahana uguma jirto bal wuxuuba isku sawiray intiina aragtay isagoo lacag kale xayaysiinaya, musharaxiinta hada xilalka u sharaxana ma maqlin mid ololihiisa ku darsaday bal inuu lacagta wax ka qabanayo tayadeeda.

Madaxda maamulgoboleedyaduna waa lamid oo cabdiwali gaas isagaa noo cadeeyay isagoo madaxweyne noo ah oo masuulka ah hantida wadanka inuusan ogayn cidda lacagta daabacda waliba hal mar ma sheegine ilaa labo jeer ayuu baarlamaanka hortiisa ka sheegay.

Maxaa Guud Ahaan Lacag Loo Daabacaa?

Aragtidayda dhaqaale ahaan lacagta waxaa loo daabacaa dhowr sababood oo aasaasi u ah dhaqaalaha.

  1. waa midda koowaade waa in ay dhacdo is badal hab lacageed oo ay qasab noqoto in laga guuro lacagtii hore oo la samaysto lacag cusub sida ka dhacday ciiraaq waqtigii madaxweyne Sadam laga riday xilka waxaa la daabacay lacag cusub maadama lacagtii hore uu sawirkiisu ku sawirnaa, sido kale dhacdadaas mid lamid ah waxay ka dhacday wadankeena soomaaliya waqtigii xorriyada markii laga guurayay lacagtii somalo oo la samaynayay lacagta shilinka.
  2. Waa midda labaade lacag waxaa loo daabacaa inay caawiso horumarinta dhaqaalaha, haddii wadanka dhaqaale ahaan kobco oo tirsiga dadkiisuna bataan iyadoo aysan xaddiga lacagta wadanku wax iska badalin waxaa imaanaysaa in dalabkii lacagtu uu ka bato lacagtii suuqa ku jirtay taas oo keenaysa suququr lacageed oo ku dhiirgalinaya bangiga dhexe inuu lacag daabaco si dhaqaalaha loogu soo celiyo isu dheelli tirnaantiisii.
  3. Waa midda saddexaade waxaa loo daabacaa inay lacagtu sahasha isdhaafisiga badeecadaha iyo adegyada.
  4. Waa midda afaraade waxaa loo daabacaa in lacagtu ay wareejiso taayirka ganacsiga iyo dhaqaalaha wadanka.

Maxay dolwadda Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyadu hadda lacagta u daabacaan?

Inkastoo aan qaldami karo laakiin markaan aqriyay qoraalo faro badan oo la sameeyay iyo dhacdooyin aan maqlay ama goob jog usoo ahaa waxaan is leeyahay gabi ahaan dowladaha soomaalida mid dhexe iyo mid goboleedba waxay lacagta u daabacaan in dawladdu ka hesho lacag ay ku bixiso mushaarkeeda oo ay ku daboosho kharashkeeda faraha badan, taasi waa wax aan suurtogal ahayn oo hadda ka hor faraha lagaga gubtay. Aragtiyaha dhaqaaluhuna waxay ina barayaan in lacag la iska daabaco aysan keenayn waxaan ahayn sicirbarar iyo lacagta qiimaheda oo hoos u dhaca.

Yaa leh Dhaliisha Daabacaada Lacagta Shilin Soomaaliga?

Sharci ahaan dunida inteeda badan lacag daabacaaadda waxaa masuul ka ah Bankiga dhexe. Masuuliyada bankiga dhexe ayaa ah inuu hubiyo lacagta suuqa kujirta tayada lacagta sarifka lacagta iyo waliba inay jirto baahi lacag loo daabici karo, isaga ayaana dhaliisheeda leh.

Waxaan is dhihi jiray Wadankeena soomaaliya kama jiro bangi dhexe oo si hufan u shaqeeya taasna waxay keentay in maamul goboleedkasta ama xittaa ganacsade walba ay u fududahay inuu lacag daabacdo.

Laakiin maanta waxaa jirta mid taas ka duwan oo lamaba yaqaano cid masuul ah lacagta la daabacayo maalinkasta waxaana marag u haysta dhaqaalayahan madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo labo jeer oo uu la hadlay baarlamaanka sheegay inuusan aqqon cidda lacagta deegaanada Puntland u daabacday. Malahayga madaxweyne xasana wa la mid oo ma yaqaan cidda lacagtaan daabacday isagu wuxuuba dheeryahay kan hore wuxuu xayaysiiyaa dadyowga kale, acagahooda oo waqti ayuuba iskusoo sawiray isagoo reero kale toodood xayaysiinaya.

Hadii aan la aqoon cidda lacagtaas daabacda cidda masuulka ka ah soo ma mudna bal inteena waxabarata aan ka qeybqaadano doodaha faraha badan oo ka socda jaamacadaha caalamiga ah oo looga hadlayo shillinka soomaaliga iyo inaan qoraallo ka samayno.

“Dhaawaca iyo dhiig baxa lacagteena dhaliisheeda cidda leh ama masuuliyadooda ha inkireen ama ha qaateen waa madaxda dowladaha kajira soomaaliya heer dhexe iyo heer gobolba”

Maxaa Daawo U Ah Dhaawaca Shilinkeena?

Rasuulkeena waxaa laga wariyay majiro xanuun aan daawo lahayn. Hadaba iyadoo intaas oo xanuun ah jiraan hadana waxaa jidha daawo wax looga qaban karo xanuunkaas.

Aragtidayda lacagteena hadii la helo dhowrkaan qodob way wanaagsanaan kartaa:

1- Bangi dhexe oo hufan oo heshiis lagu yahay

Markaan leeyahay bangi dhexe oo hufan oo heshiis lagu yahay waxaan rabaa inaan ka fakarno helitaanka bangi dhexe oo ka tayo badan kan hadda jira.

Tayanta shaqada bangiga dhexe iyo in loo dhiibo dad yaqaan shaqadiisa oo aamin ah maadaama bankiga dhexe uu muhiim u yahay labo shaqo oo lagama maarmaan ah (Lacagta iyo shaqaalaysiinta) waa hab loo xallin karo dhibaatadan.

Joojinta qaadka.

In qaadka la joojiyo waa mid ka qeybqaadanaysa inaan hakino lacag faro badan oo inooka baxaysay banaanka. Hadii qaadka la joojiyo waxaan is leeyahay tayo badan ayay lacagteenu yeelan lahayd dhibaatoyinkeena dhaqaale na waa dawoobi lahaayeen.

Dib u eegidda federaalka.

Anoo ixtiraamaya dasuurka dalkayga ma rabo inaan duro laakiin waxaan talo kusoo jeedin In u eegid lagu sameeyo awoodaha dowlad goboleedyada oo bal aan meesha ka saarno in qolo walba ay lacag iska daabacan karto iyo in la cadeeyo shaqada dowlad goboleedyada iyo tan dowladda dhexe.

Kor u qaadidda waxsoosaarka.

Waxsoosaarka wadanka oo kor loo qaado waxay keenaysa in shaqo abuur badan la helo iyo wadankii uu waxbadan dibadda u dhoofiyo taas oo sababaysa in qiimaha lacagteena uu kor u kaco. Waxsoosaarka dalka oo kor u kaca waxay ka qeybqaadanaysaa guud ahaan horumarka iyo xasiloonida dalka.

Samaynta xeer xakamaynaya lacagaha taleefoonada.

Qodobkaan waxaan talo kusoo jeedinayaa in la sameeyo xeer xadidaya lacagaha taleefoonada oo bal yaraynaya kor u kacooda xanuunka ku ridaya shillinka soomaaliga.

Baarlamaanka cusub oo hadda dhisme doona oo aan isleeyahay dhalinyaro badan ayaa soo gali doonta ayaa laga rabaa inay horimariyaan xeer hagaya lacagaha taleefonada oo ka sokow dhibaatada ay ku rideen shilin soomaaliga ay khatar tahay inay ku lumaan hanti faro badan oo soomaali leedahay.

La xisaabtanka madaxda.

Baarlamaanada soomaaliya ka dhisan maalinta aakhiro waa la waydiin doonaa masuuliyaadka ay qaadeen waxaana lagama maarmaan ah inay la xisaabtamaan madaxda oo aysan kaga harin ma ogi cidda lacagtaan daabacday iyo in xitaa lagula xisaabtamo kharaashaadkooda aan wadanka micnaha kusoo kordhinayn sida kan ku baxa safarada tirade badan ee ay kujiraan har iyo habeen. Isla xisaabtankaasi ayaa dhibaatadan yarayn kara.

Samaynta miisaaniyada haboon.

Waxaan u arkaa xal in dowladuhu isku dayaan inay sameeyaan miisaaniyad isu dheeli tiran oo ka run sheegaya waaqica kajira wadanka laakiin hadii xukuumaddu sanad walba samayso miisaaniyad la buunbuunshay (Inflated budget), canshuurtana si xad dhaaf ah loo siyaaadiyo oo lagu qaado dollar waxay keenaysaa dhibaato dhaqaale oo hor. Waxaan kale oo iyada ka fiirsi u baahan kharashaadka dalka oo mudan in la yareeyo si aysan marmarsiiyo ugu noqon in lacag la daabaco markii kharashaadkii la gudi waayo.

Gabogabo iyo Farriintayda

Aad baad ugu mahadsantahay inaad qoraalkan aqrisay oo aad galisay waqti badan, waana hubaa wax inaad ka faaiiday Alle hakaa ajarsiiyo.

Walaalkayow/walaashayeey markaan maqaalkaan qorayay kama aanan fakarayn inaad adi tahay qofka aqrin doonaa laakiin waxaan ka fakarayay inaan wax fiican kuusoo gudbiyo waliba adoo aan i ogayn waqti badan ayaana dartaa cidla u fadhiyay oo aan hadba buug furayay si aan wax kuugu faaiideeyo, waxaan ku jeclahay Alle dartiis.

Adiga oo iga cilmi badan soo ceeb ma ahan inaadan bulshadaada usoo gudbin waxaad taqaanid. Isbadal dhan walba ah ayuu wadankeenu rabaa adi ayaana bilaabi karaa isbadalkaas, wax qor aan ka faaiidaysanee.

By C/laahi Abshir Muuse