Madaxweyne Guuleed Looma Naxariisan,Galmudug oo Maamulkeedu Ku Cuslaa Baa Misna Loogu Daray Hawl Dhib Badan.

0

Sida runta ah ee ummaddu wada qabto oo caalamka dawlad aqoonta ahina ku qanacsan yahay Dawlad – goboleedka Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaa loo dedejiyey oo loo sameeyey in wadamada deriskaa looga farxiyo in la dhammeystiray qorshihii mudadda dheer lagu taamay ee ahaa in Somalia qabiil qabiil loo kala geeyo oo ay dhammaato qaranimo Somaliyeed oo la hiigsado ayadoo lagu gabanayo hannaanka Federalism, iyo in laga soo saaro inta badan codadka doorashada ee Madaxweyne Hassan Sheikh dib loogu dooranayo dhammaadka sanadkan.

Galmudug oo ku shaqeysa meel aan ahayn magaalo madaxdii dastuuriga ahayd ee Dhusa-Mareeb, waxaa hadda ka madax bannaan oo horeba uga go’ay Maamulka Ahlu-Sunna oo xaruuntiisu tahay Dhusa-Mareb iyo Galgaduud Sare ee Caabud-Waaq xarun u tahay.

Haddana waxaa laga yaabaa in qabiilka Murursade tacadiyo loo geystay awgeed ay u goostaan deegaankooda oo xarun ka dhigtaan Ceel-buur. Reer Ximan iyo Xeeb ayagu ma qarsadaan in Galmudug oo ay marti geliyeen ay uga dartay oo amnigooda iyo horumarkooduba ka wacnaa markii hore, Koofurta Galkacyo waxay ka bixi la’dahay dagaal laga yaabo in siyaasad awgeed loogu mashquulinayo oo waa dhiig baxaysaa.

Waxaa xaqiiq ah in dadka deegaanku eeday oo ayan mahadin hogaanka Galmudug. Maamul xumo iyo siyaasad gurracan baa kala geysay Galmudug. Waxaa la saadinayaa in caddaalad darrada ballaaran, boobka iyo eedaha ka dhashay maamul xumada doorashada Xildhibaanada Galmudug ay soo dedejin doonto kala guurka Dawlad – goboleedkaas.

Waxaa nasiib darraa in maamulka oo horay u dhibaateysnaa in misna lagu xujeeyo inuu soo dhiso oo keeno ugu yaraan 40 cod ee labada gole, si Madaxweynaha DF ee maanta dib loogu soo doorto. Dadaalka xaqiijinta amarkan ay u gashay Galmudug, waxay gaarsiisay in beesha caalamku u aqoonsato maamulka ugu musuqmaasuqa badan dhanka fulinta hannaanka doorashada Somalia oo ugu nugul xagga maamul wanaagga! !Digniin af ah iyo mid qoraal ahba waa la gaarsiiyey Madaxweynaha Galmudug. Waxaana la dareensiiyey in 16 ka mid ah Xildhibaanada ay soo gudbiyeen ayan ansax ahayn ee dib loogu laabto. Sidoo kale, waxaa lagu adkeeyey inuu joojiyo lugooyada iyo is-hortaagga uu ku hayo xubnaha uu filayo inay mucaarad yihiin oo codkooda usan maamulaneyn,iyo ku xad-gudubka qoondada dumarka.

Gabagabo: Dawlad – goboleedka Galmudug waxay u baahan tahay badbaado iyo siyaasad maangal ah oo quman intaan tallo faraha ka bixin. Maahmaah Somaliyeed oo xaqiiqda ka tarjumaysaa tiraa “Isma-horto ha is-halleyn “.

—-Dhammaad—-