MAQAAL:- Waxii Dil Iyo Dagaal Ah Waa Caabudwaaq, Waxii Doollar Ahna Waa Garoowe, Cadaado Iyo Dhuusamareeb.

0

Waxaa in mudo ah soo laab laabtay dagaalada macno darada ah ee ka dhaca magaalada Caabudwaaq, iyadoo maalin walba unuunka lagu gooyo wiil haldoor ah oo dadka iyo deegaankaas waxtar u leh ama mustaqbalka u lahaa.

Dagaaladan ayaa aalaaba waxaa lagu tilmaamaa kuwo salka ku haya Aanooyin Qabiil, balse haddii aad baarintaan dheer ku sameyso waxaa kuu soo baxaya in xaqiiqda sidaa ay ka fog tahay, sababtoo ah Aanooyinka qabiilada waxaa lagu xaliyaa gogol nabadeed iyo dhaqan, waxaana laga gaaraa xal waara haddii si dhab ah loo galo xalintooda.

Dagaalada mudooyinkan kusoo laab laabtay magaalada Caabudwaaq waa ay ka weyn yihiin kuwo u dhaxeeya beelo wada dhashay oo dad iska dilay, waana kuwo siyaasadeed oo laga soo maan guuriyay magaalooyinka Garoowe, Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Caabudwaaq waxa ay ahayd magaalada ugu nabada iyo nolosha wanaagsan gobolada dalka Soomaaliya oo dhan, waana magaalo ay ku nool yihiin dad wada dhashay oo aan si naba u kala tageen, kaan ogeyn iyo kii ogba waa loo qeexayaa taas.

Maanta magaalada Caabudwaaq beelihii wada dhashay ee ku noolaa waxaa loo kala qaybiyay ama qolo walba xeeyndaab ay ugu jiraan siyaasadaha Garoowe, Cadaado iyo Dhuusamareeb, nin walbana waxuu qori AK 47 u sitaa siduu unuunka u goyn lahaa walaalkii kale ee ka fikirka duwan iyadoo loogu magac daray waxa loogu yeero (AANO QABIIL).

Dagaalada ka socda magaalada Caabudwaaq ujeedkooda waa haka haraan bulshada Soomaaliyeed ee tiigsanaya horumarka dhan walba ah, dadkooda ha dabar go’aan, hannna lagu kala tago magaalada Caabudwaaq, waxaa taas daliil u ah gudaha magaalooyinka Garoowe, Cadaado iyo Dhuusamareeb dagaal kama dhaco, dadna laguma dhex dilo, doollarkana waa ku qul qulayaa oo waxaa ka socda mashaariic waa weyn, waxaana xarumo ku leh hay’ado caalami ah, haddaba waa yaab’e maxaa dagaalka u dhaxeeya Garoowe, Cadaado iyo Dhuusamareeb loogu soo raray Caabudwaaq? arrinkaanse soo kuulama muuqdo (Waxii Dil Iyo Dagaal Ah Waa Caabudwaaq, Waxii Doollar Ahna Waa Garoowe, Cadaado Iyo Dhuusamareeb), Maxay ku dhimanayaan ama isku dilayaan wiilasha reer Caabudwaaq?

Waxaa aad iyo aad ayaan daro u ah in dadka reer Caabudwaaq weliba inta isku sheegta inay yihiin indheer garadka haddii ay yihiin Gudejoog iyo Dibedjoogba in aysan wali garan ujeedada dhabta ah iyo sababta xalka looga gaari la’ayahay dilalka iyo dagaalada loogu magac daray aanooyinka qabiilka, aadna arkeyso kuwo badan oo kamid ah dadka Reer Caabudwaaq oo la xuurteeysan waa nalagu soo duulay iyo kuwo ku farxaya nin walaalkii dilaya.

Waa xaqiiq in uu Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa uu Duleyn Qoowm Ilaa Ay Iyagu Is Duleeyaan Mooyaane, qoowmkaan ismaqalna waa xaqiiq inay ku dambeynayaan halka ay marayaan maanta reer Caabudwaaq.

Maka naxaysaa dadka iyo deegaanka reer Caabudwaaq iyo guud ahaan waqooyiga Galguduud? Ma Doonaysaa Midnimadooda iyo Nabad ku wada Noolaanshahooda? Maleedahay Damiir aad bah-dilka iyo xumaha ku diido? Damiirkaagase maka sareeyaa Doollar inaa qaadato? xalku waa sahal waana kan.

U istaaga unna qalab qaata sidiii dadkaa ku nool Caabudwaaq iyo guud ahaan Waqooyiga Galguduud aad uga reebi lahayd ama aad uga dhex saari lahayd shaqsiyaadka tirada yar ee u adeegaya Siyaasadahan guracan ee Garoowe, Cadaado Iyo Dhuusamareeb. Nabad iyo Midnimo waarta waa ay helayaan dadka iyo deegaankaba markii aad sidaa yeesho ama yeeshaan.

Wabilaahi Tawfiiq

Nuur Cabdulqaadir Ugaas
Email: nurugas@gmail.com