Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerar Xoogaga Al Shabaab ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Saraakiil iyo Askar ilaalo u ah Guuddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Weerarka lagu qaaday Kolonyada Guddoomiye Maxamed Cabdulle Fiidoow ayaa waxuu ka dhacay Tuulo u dhaxeysa Ceelbaraf iyo Qoryaale oo ka tirsan Gobolka Sh.Dhexe.
Guddoomiye Maxamed Cabdulle Fiidoow oo la hadlay Idaacad ku taalla Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Al Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku soo qaadeen.
Mr. Fiidoow ayaa tilmaamay in Weerarkaasi uu uga dhintay hal askari, islamarkaana ay kaga dhaawacmeen labo kale oo ka mid ah ilaaladiisa.
Waxuu xaqiijiyay in Ciidamada la socday ay Dileen labo tirsanaa Al Shabaab, labo kalena ay dhaawac u geysteen, sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye Fiidoow ayaa beeniyay in weerarkaasi uu dhaawac ka soo gaaray mar wax laga weydiiyyay wararka la xiriira in weerarka uu waxyeelo ka soo gaaray.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Weerarkii lagu beegsaday Kolonyada Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
HALKAAN KA DHAGEYSO