DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Nabadoon Axmed Cabdi Nuure "Kursigaan Nimankan Sheeganayaan, Ninkan Sheeganaya Ugaaska Ayaa U Dhici Jiray, Ugaasna Ma,ahan".

0

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado oo Muddooyinkii Dambe la curyaantay is qabqabsiga Beelaha iyo Musuqmaasuq la sheegay in lagu sameeyay Doorashada ayaa waxaa hadana wali isa soo taraya Is jiid jiid u dhaxeeya Beelaha qaar oo lagu mideeyay Lahaanshaha Hal kursi.

Afar kamid ah Beelaha Dega Deegaanada waqooyiga ayaa la sheegay in laga dhaxaysiiyay Hal kursi taasi oo keentay is qabqabsi ku aadan beesha Kursigaas yeelanayso.

Labo kamid ah Beelahaas ayaa ka aamusan wallo uu jiro loolan iyo cabasho is daba Joog oo kasoo yeereysa Labada beel kale.

Nabadoon Axmed Cabdi Nuure waxa uu ka mid yahay labada Beel ee Hadda isku haya Kursiga waraysi uu siiyay Allgalgaduud Media ayuu ku sheegay in marnaba Beeshooda aysan tanaazulayn.

Dhinaca Kale Suldaan Axmed Xuseen Xasan Garbacune oo ka mid ah waxgaradka Beesha kale ee sheeganaysa Kursigaasi ayaa isna ku doodaya in Kursiga iyaga ay leeyihiin isla markaana beesha qaylinaysa ay u adeegayso Galmudug oo uu sheegay in ay doonayso musqmaasuq lagu sameeyo Kursigaasi.

Hoos Ka Dhageyso

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya