Xildhibaan Bashiir Faaqdiid oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Sababta ay Mooshinka uga keeneen Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ay yahay Shaqo gudasho la’aan islamarkaana ay u dul qaadan waayeen in ay fiirsadaan.
Xildhibaan Bashiir ayaa intaa ku daray in Fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka Jubbaland uu yeesho lagu Akhrin doono Mooshinka Xilka qaadista ah ee ay ka keeneen Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan.
Shalay ayey aheyd markii 36 Xildhibaan oo kamid ah Golaha Wakiilada Jubbaland ay sheegeen in Mooshin Xilka qaadis ah ay ka gudbiyeen Maxamuud Sayid aadan.
HALKAAN KA DHAGEYSO