Shir looga hadalayay amaanka Magalada Galkacyo ayaa ka dhacay airporka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug shirkaan ayaa waxaa isugu imaaday Gudigii loo xilsaray xalinta dagaalada magaalada Galkacyo oo ka koobaan 18 xubon Iyo saraakiil kasocaday beesha caalamka.
Shirka ayaa markuu soo dhamaaday waxaa warbaahinta lahaday qaar kamida Gudiga, Gudoomiyasha gobolka ee labada dhinac iyo xubnaha kasocday beesha caalamka.