DAAWO:- Diyaaradii Shalay ku soo dhacday Gobolka Sh/Hoose

0

Ururka Al Shabaab, ayaa Gobolka Shabellaha Hoose ku soo bandhigay diyaarad Drone ah, ka dib markii ay Jimcihii ku soo dhacday dhulka ay ku sugan yihiin.

Diyaaradan oo nooca wax basaasa ah, ayaa waxay Shabaabku sheegeen inay ku soo dhacday beer ku taala Deegaanka Bariire ee duleedka Degmada Afgooye, ayna ku soo wargeliyeen dadka deegaanka.

Diyaaradan, ayaa waxaa beertaasi ka soo qaaday maleeshiyada Shabaabka, waxayna sheegeen in ay leedahay Dowladda Mareykanka, oo ay ku eedeeyen inay qayb ka tahay dagaalka iyaga ka dhanka ah.

Saraakiisha Al Shabaab, ayaa warbaahinta afkooda ku hadasha u sheegay, in diyaaradan ay ku kariban yihiin kaamirooyin iyo agabyo kale.

Sarkaal ka tirsan Shabaab, ayaa sheegay in diyaaradaha wax basaasa iyo kuwa kale ee duqaymaha gaysta, ay dul heehaaban deegaanada ay ka jooggan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Bartamihii sanadkan, ayay ahayd markii Ururka Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaarad Drone ahayd, oo ku soo dhacday Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Mareykanka, ayaa hogaaminaya duqaymaha ka dhanka ah Saraakiisha iyo maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo dagaal adag kula jira Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

drone drone1 drone2 drone3 drone4 drone5