29-qof oo ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Istanbuul

0

Laba qarax oo middi uu ismiidaamin ahaa, ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Magaalada Istanbul ee Wadanka Turkiga, iyadoona ay qaraxyadaasi gaysteen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxyadan, ayaa waxaa lala eegtay ciidan ka tirsan Booliska Turkiga, kuna sugnaa afaafka hore ee Garoonka Besiktas-Bursaspor, xilli ay ku soo idlaatay ciyaar u dhaxeysay laba kooxood.

Suleyman Soylu, Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala beegsaday gaari kale, oo ay leeyihiin ciidamada ka hortagga rabshadaha, xilli uu taagnaa afaafka hore ee Garoonkaasi.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay qaraxaasi ka dib in qarax labaad oo ismiidaamin ahaa, uu ka dhacay afaafka hore ee Garoonka Besiktas-Bursaspor.

Saraakiisha caafimaadka, ayaa waxay sheegeen in ay ogyihiin dhimashada 20 ruux iyo dhaawaca 60 kale, balse ay suurtagal tahay in khasaaruhu uu ka bato inta hadda la’ogtahay.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in weerar argagixiso lala eegtay ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah, isagoona sheegay in weerarkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawacba.

Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi, balse laamaha ammaanku waxay gacanta ku hayaan baaritaanada labadaasi qarax.