DAAWO:- Musharax C/raxmaan Cabdi Shakuur oo Xildhibaanada Habar gidir kula heshiiyay Muqdisho

0

Xildhibaanada beesha Habargidir ee laga soo doortay Maamulka Galmudug ayaa la kulmay Musharax Madaxweyne Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo ah sanadkan mid kamid ah dadka tartanka ugali doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Musharax Abdiraxman Abdishakuur Warsame ayaa weydiistay Xildhibaanadan in ay taageeraan isla markaana ay ku gacan siiyaan sidii uu u noqon lahaa Madaxweynaha 4ta sano ee soo aadan.

 

Kulanka ka dhacay Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa Xildhibaanada beesha Habargidir waxa ay ugu balan qaadeen Musharax Abdiraxman Abdishakuur warsame in ay taageeri doonaan kalana shaqeyn doonaan sidii uu ku heli lahaa kursiga Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Musharax Cabdiraxman Cabdishakuur oo taageero badan heysta ayaa bogiisa soo dhigay sawirada cadeynaya in xildhibaanada beesha habargidir ay taageersan yihiin isaga.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

habar-1 habar-2 habar-3 habar-4 habar-5