DAAWO SAWIRADA:-Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay Afaafka hore ee Dekeda Muqdisho, gaar ahaan laanta Canshuuraha Dekeda.

Khasaaraha dhimashada ayaa la sheegayaa inuu ka badan 10 ruux, maadaama goobta qaraxa uu ka dhacay ay ka agdhaweyd goob maqaayado ah oo Shaaha lagu cabo, xilliga qaraxa uu dhacaayayna ay fadhiyeen  dad shacab ah.

Suxufiyiinta oo goobta tagay waxa ay soo sheegayaan dhimashada inay kor u dhaafeyso 10 ruux, dhaawacana uu intaasi ka badan, dadka waxyeelada soo gaartay ayaa u badan shacab.

Sawiro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinaayay goobta maqaayada ah ee dadka ay fadhiyeen oo aad u bur burtay, sidoo kalena ay soo daateen geedaha dhaadheer ee dekeda ka soo horjeeda.

Bartilmaameedka qaraxa rasmi ahaan wuxuu ahaa Laanta Canshuuraha ee Dekeda, halkaasi oo ah goobta gaadiidka looga qaado canshuurta, ciidamo Booliska ka tirsan ayaa sugga ammaanka goobtaasi.

Saraakiisha ammaanka Gobolka Banaadir oo goobta tagay weli Saxaafadda ugama aysan waramin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi gaariga loo adeegsaday ee saaka ka dhacay Afaafka hore ee Dekeda Muqdisho.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay Duleedka Muqdisho lagu fashiliyay qarax Ismiidaamin ah oo ciidamada NISA ay ka hortageen.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

qaraxa qaraxa-2 qaraxa-3 qaraxa-4 qaraxa-5 qaraxa-6 qaraxa-7 qaraxa-8

d5-768x576 d6-768x576 lllllllllllllll oooooooooooooooooo