DAAWO SAWIRADA:- Xaflad Balaaran oo Xalay ka dhacay Cadaado iyo Wasiir Odawaa oo ka qeyb galay

0

Xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa Xalay waxa  Lagu Qabtay Xaflad lagu sagootinayo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ee dhawaan lagu doortay Magalada Cadaado.

Xaflada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xusen Guuleed ,ku xigeenkiisa iyo xubnaha aqalka sare iyo aqalka hoose ee laga doorto deeganada Galmudug.

Sidoo kale Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Odawaa.

Guud ahaan Qudbadihii laga Jeediyay Munaasbada aya Waxa ay ahaayeen kuwo intooda Badan lagu Amaanayay Qaabkii ay u Dhacday Doorashooyinkii lagu Qabtay Magalada Cadaado Waxaana Halkaasi amaan loogu soo jeediyay Ciidanka Galmudug iyo kuwa Nabad Sugida sidii ay amniga u sugeen Goobaha Doorashada ay ka socotay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1-4 2 3 4-2 5 6-1 7-1 8-1 9-1