DEG DEG: Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhacay qarax noociisa uu yahay Ismiidaamin.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ciidamada ammaanka, gaar ahaan ciidanka Nabad Suggida ee Koontaroolka ku leh degaanka Siinkadheer ay halkaasi ku joojiyeen, kadib markii ay ka shakiyeen gaarigaasi.

Wararka waxa ay sheegayaan gaarigaan markii ay joojiyeen ciidamada ammaanka inuu halkaasi isku qarxiyay, xilli ciidamada ay baaritaan ku sameyn rabeen.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan ciidanka NISA inuu ku geeriyooday qaraxaasi.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa inuu yahay gaari yar oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, sida ilo degaanka ah inoo xaqiijiyeen.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareertay markii uu qarxay gaarigaasi, iyadoo meelo ka mid ah Muqdisho laga arkaayay uurada gaariga.