DEG DEG: Wasiir Nuux oo kusoo baxay doorashada Aqalka Hoose

0

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socotay Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta kursigii ugu dambeeyay Waxaa kusoo baxay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Nuux oo horay guddiga doorashooyinka ay ka rabeen doorashada.

Wasiirka ayaa waxaa loo haystay Shaqaaqadii ka dhacay xarunta doorashada Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Guud ahaaba waxaa lasoo afjaray doorashadii ka socotay magaalada Jowhar waxaana kusoo baxay Maxamed C/laahi Nuux iyo waliba C/casiis Saalax Carmaan oo labaduba ka guuleystay xubno ay la tartameen.

Waxaana lasoo doortay 38-da xubnood ee Hirshabeelle u matali doona dowladda Soomaaliya.