DHAGEYSO:- AMISOM oo sheegtay iney burburisay goob Al-shabaab qaraxyada ku diyaarin jireen

0

War saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadooda burburiyeen goob Alshabaab qaraxyada ku diyaarin jireen oo ku taala duleedka magaalada Kismaayo.

Qoraalka kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM qabteen rag Alshabaab ka tirsanaa oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana tiradooda lagu sheegay 7 askari.

Qoraalka lagu daabacay barta Twiter-ka AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas taalay goobta howlgalka gaarka ah laga fuliyay ee ku taala duleedka magaalada Kismaayo.

Al-shabaab ayaa dhankooda waxay sheegeen iney iska caabiyeen ciidamo isbaheysanaya oo ka koobnaa AMISOM iyo dowlada Mareykanka, xili ay ku sugnaayeen saldhigooda.

AMISOM ma aysan sheegin deegaanka weerarka gaarka ah uu ka dhacay, laakiin waxay ku sheegeen inuu ku yaala duleedka magaalada Kismaayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-