DHAGEYSO:- Beesha Caalamka oo War ka soo saartay Kursigii uu ku guuleystay Wasiir Nuux

0

Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujiyay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee uu ku soo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Xasan Nuux.

Bayaan ka soo baxay Saaxiibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qoraal dhawaan ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal looga mamnuucay Wasiirka in uu ka qeyb galo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee ka imaanaya Maamulka Hirshabelle.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed C/laahi Xasan Nuux ayaa lagu eedeeyay in uu carqaladeeyay doorashada, islamarkaana rasaas ay fureen Ciidamadiisa ilaalada ay ku dhaawacmeen ergo halkaasi ku sugneyd.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo u hadlay Beesha Caalamka ayaa waxuu shaaca ka qaaday in uu soo dhaweynayo go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka ee lagu diiday guusha Wasiir Nuux.

Ugu dambeyn, Danjire Michael Keating ayaa waxuu sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo qof walba oo lagu helo carqaladeynta doorashooyinka ka socda Dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-