DHAGEYSO:- Madaxda Galmudug oo lagu eedeeyay Musuqmaasuq iyo doorashada Cadaado oo Shaki la geliyay

0

Xildhibaan Maxamuud Faarax Caydiid oo ka mid ah xildhibaanada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyay Madaxda maamulka Galmudug in ay musuq maasuqeen gursigii beeshiiso ay ku laheyd Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Maxamuud Faarax Caydiid ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo sidoo kale Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi in ay sameeyeen Qiyaano Qaran.

Xildhibaankaasi ayaa sheegay in kursiga beeshiisa loo dhacay cid kale .

Waxaa uu xusay in arintaas looga baahan yahay in ay waxka qabtaan guddiyada doorashooyinka dalka .

Wasiiru dowlaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo ay isku heyb yihiin Xildhibaan Maxamuud Faarax Caydiid ayaa iscasilay ka dib markii uu sheegay in madaxda Galmudug ay dhaceen gursigii beeshiisa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-