DHAGEYSO:- C/weli Gaas “ Odayaasha dhahaya Haween ma rabno Warkooda kuma jiro go’aankeena ayaa soconayo Kuraastaasina Haween oo keliyaa iska leh”..

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kusoo laabtay magaalada Garoowe ayaa si kulul uga jawaabay hadalo ay maalmihii ugu dambeeyey ku hadlayeen Odayaasha beelaha Puntland qaar kamid ah, wuxuuna sheegay in aan la aqbali doonin cidii diida qoondada Haweenka.

Madaxweynaha ayaa sheegay 50% dadka Puntland ku nool ay haween yihiin, taas awgeedna aysan aqbali doonin in gabdhaha Xaquuqdooda la duudsiio.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in kuraastii aan lasoo gudbin ee Haweenka laga tagi doono, oo aysan Puntland cidna u joojin doonin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-