DHAGEYSO:- C/weli Gaas “ Waan ka soo horjeednaa doorashada Beelaha gobolada Waqooyi ee ka socoto Muqdisho”..

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay in Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ee ku sugan Magaalada Muqdisho arinta ay u joogaan Muqdisho in aysan aheyn mid looga hadlay sidii loo baahnaa.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wanaagsan looga wadahadlo khilaafka ka taagan xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya gobolada Sool iyo Sanaag.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay haboon tahay hadii kuraasta ay leyihiin beelaha dir waqooyi in lasiiyo laakiin aan la oran waxaa iska leh Somaliland marna Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-