DHAGEYSO:- Faah faahin ka soo baxeysa qaraxa ka dhacay Deegaanka Siinkadheer

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Deegaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa lagu joojiyay Bar koontarool oo ciidanka Aar oo Nabad Suggida ka tirsan ay ku leeyihiin deegaanka Siinkadheer, waxaana socday baaritaan lagu sameynaayo gaarigaasi la joojiyay.

Ruuxii waday gaariga ayaa qarxiyay gaariga, kadib markii uu dareemay inaysan suuragal u aheyn inuu la gudbo gaarigaasi oo uu doonaayay inuu la galo Magaalada Muqdisho oo ay ka socoto Doorashooyinka Aqalka hoose.

Gaariga markii uu halkaasi ku qarxay ayaa waxaa goobta ku geeriyooday Askarigii ka tirsanaa ciidanka Aar ee Baaritaanka ku haayay gaariga, sidoo kale waxaa dhintay naftii haligihii waday gaariga qarxay, waxaa dhaawac uu soo gaaray dad shacab ahaa oo saarnaa gaadiidka dadweynaha.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa noociisa inuu yahay gaari Market two ah sida Saraakiisha Hay’adda NISA ay sheegeen.

Barta twiterka ee Hay’adda Nabad Suggida ayaa lagu qoray ciidamada NISA inay ka hortageen qaraxaasi gaariga ah ee la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Somaliyed.

Koontaroolka Siinka dheer oo gaadiidka Muqdisho soo galaya ay soo maraan ayaa si adag waxaa loogu baaraa gaadiidka, waxaana ciidanak NISA ay xoojiyeen feejignaanta dhanka baarista ah ee gaadiidka ay ku hayaan, taasi oo keentay in la fashiliyo gaarigii maanta qarxay.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaasi, waxaana ay sheegteen inay ku dileen Askar badan sida ay hadalka u dhigeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-