DHAGEYSO: Jubbaland” Qaxootiga lacag kuma rabno”

0

Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay in ay dhaqaalo  ku doonayaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland aysan dhaqaalo ku rabin qaxootiga Ka imaanaya dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in nolol cusub loo sameeyo dadka Qaxootiga ah ee ka imaanaya Kenya.

Waxaa uu sheegay in Hay’adda qaarkood ay ku doodayaan in Jubbaland ay lacag ku doonayso Qaxootiga.

Wasiirka ayaa sheegay in ay  muhiim tahay  in la horumariyo Qaxootiga