DHAGEYSO:- Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay abaaraha ka jira Geeska Afrika

0

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa sheegay in abaaraha Ka Jira Geeska Afrika inay saameeyeen dad u badan carruur.

Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa Xustay in cunto Yari baahsani ay ka jirto dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan .

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ay yihiin meelaha ugu daran oo ay ka jirto cunto yarida baahsan ,taasina ay sabab u tahay ammaan la,aanta ka jirta dalalkaasi.

“Caruur badan oo kunool Geeska Afrika ayaa Qarka u saaran in ay u dhintaan Nafaqo daro , sidaas darteed waa muhiim in dadkaasi loo gargaaro , ugu Yaraan 29 Milyan oo qof oo kunool Geeska Afrika ayaa u baahan gargaar cunto ah ” ayaa lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa horay u sheegtay in ay jiraan caruur badan oo nafaqo daro ay ku haysato Soomaaliya , loona baahan in wax laga qabto arintaasi.

Sida ay sheegayaan qiyaasaha, ku dhowaad 320,000 kun oo carruur  ah  ayaa qarka u saaran in ay u dhintaan cuduro kala duwan oo ay sababtay abaarta ka jirta Soomaaliya iyadoona 50,000 kun   oo ka mid ah ay la ildaran yihiin Nafaqo daran ba’an.

Hoos ka Dhageyso Codka:-