DHAGEYSO:- Somaliland oo beenisay in Xoolaha laga dhoofiyo deegaanadeeda ay qabaan cuduro

0

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Sacuudiga ay ku hakisay xoolihii laga soo dhaafin jiray dalka Soomaaliya kadib markii ay sheegtay in laga helay cuduro.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in xoolaha laga dhoofiyo degaanada maamulka Somaliland in aysan qabin wax cudur ah.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalka Sacuudiga uusan aheyn mid khuseeya Somaliland ,madaam xoolaha Somaliland aysan qabin cudurada ay sheegayso dowladda Sacuudiga.

Cabdulaahi Daahir Cukuse Wasiirka Wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland ayaa sheegay in ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Hay’addo kala duwan oo ka shaqeeya dhanka Caafimaadka.

Dowladda Sacuudiga ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqday guud ahaanba in ay hakisay Xoolihii uga imaan jiray dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-