DHAGEYSO:- Taliyaha ilaalinta Canshuuraha oo ka hadlay Qaraxii Saakay Muqdisho ka dhacay

0

Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Biriga Ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Qaraxii Saakay ka dhacay Dhismaha Laanta Canshuuraha oo u dhaw Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho lala bartilmaameedsaday Dad Shacab ah oo u badan Muruq Maalka Dekedda.

“Waxaa halkaas lagu Xasuuqay Dad Shacab ah oo aan waxba Galabsan oo doonayay in ay ka Xamaashaan Dekedda si ay Noloshooda u maareeyaan,waana wax laga Xumaado in Shacab Maati ah la laayo”ayuu yiri Gen. Bariise.

Illaa hadda Ma jirto Wax Faah-faahin ah oo Laamaha Ammaanka ka soo baxay oo ku aadan Xadiga uu le eg yahay Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac,balse Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in 9 Qof ay ku dhimatay Qaraxa illaa 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-