DHAGEYSO WAREYSI:- Khasaaraha Qaraxii ka dhacay Afaafka hore ee Dekeda Muqdisho oo la shaaciyay iyo Nooca gaariga oo la ogaaday

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Xoogan oo ka dhacay Muqdisho.

Qarax Ismiidaamin ah oo Geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Agagaarka Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Goobta Qaraxu ka dhacay ay tahay Goob lagu qaado Canshuurta Biriga oo u dhaw Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in Gaariga Qarxay uu ahaa Gaari weyn,waxaana Qaraxa Xooggiisa laga maqlay dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa nooca ay Soomaalida u taqaan Nooca xamuulka ah.

Ma jirto illo Madax banaan oo Xaqiijin kara Khasaaraha uu Geystay Qaraxa Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Agagaarka Dekedda weyn ee Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Qof Goobjooge ah:-

qarax-qq