DHAGEYSO:- Wasiir Maareeye oo ka hadlay guusha uu gaaray iyo Cida ku taageertay inuu guuleysto

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ku soo baxay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose dadka matala Somaliland ee ka socota Magaalada muqdisho.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa helay codad gaaraya 51 waa tirada ay ka kooban tahay ergooyinka wax dooranaya ee fadhiyay madasha ay doorashada ay ka dhaceysay.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in loo Mahad celiyo Guddiga doorashada iyo Hay’addaha amaanka ee Suurta geliyay in doorasho ay ka dhacdo Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay dareenkiisa ku aadan guusha uu Maanta gaaray iyo Xaalada Guud ee doorashada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-