DHAGEYSO:- Xeer Ilaaliyaha Qaranka “ Weli Gacmaha ayaa ka Xeranahay Talaabo ma qaadin karno Sababtoo ah Weli mala Ansixin Golaha Adeega Garsoorka”..

0

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay shaqada Hay’ada Garsoorka Dalka ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in aysan waxbo qaban karinta inta aan la ansixin Golaha Adeega Garsoorka oo uu sheegay in uu muhiim u yahay Dalka iyo shaqada ay hayaan.

Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale sheegay in baarlamaanka Soomaaliya wali aysan meel marin golaha adeega garsoorka dalka isla markaana Xeer ilaalinta ay caqabad ku tahay arrintaasi.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin isla xisaabtan dhab ah ,madaam uusan xaq u laheyn in uu ganaaxo xeerilaaliyaasha iyo sidoo kale garsoorayaasha dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-