Doorashada Aqalka Hoose oo dib uga bilaabaneysa Garoowe

0

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ayaa maanta lagu wadaa in ay dib uga bilaabato Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland.

Doorashada Aqalka Hoose ayaa maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jirtay ka dib markii maamulka Puntland ay kasoo horjeesteen doorashada xildhibaanada gobolada Sool iyo Sanaag .

Doorashada lagu wadaa in Maanta lagu doorto dhowr mudane oo ka mid noqon doona Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Doorashada ayaa ka dhaceysa hoolalka Jaamacadaha ku yaalla Garoowe Sida Jaamacadda PSU.