Dowladda Kenya oo dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab , ka dib roondo ay sameeyeen ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan degaanka Haluuqa ee dalka Kenya.

Lt. Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in ay dileen 4 qof oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay dagaal ku dileen ka dib markii ay la dagaalameen ciidanka dowladda Kenya ee degaanka Haluuqa oo roondo ka waday xaafado ka tirsan degaankaasi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay baxsadeen dagaalyahano kale oo la aamin san yahay in ay ka tirsan Al-Shabaab ,islamarkaana ay ku dabajoogaan.

Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ku qaaday dalka Kenya ka dib markii ciidanka dowladda Kenya ay Soomaaliya gudaha u soo galeen sanadkii 2011 kii.