Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerar Culus oo Xalay lagu qaaday Masuul ka tirsan Dowladda

0

Bambooyin is xig xigay, ayaa Xalay lagu weeraray hoyga ee Muqdisho ka dagan tahay Deeqa C/qaadir Axmed, Gudoomiyihii hore ee Degmada Warta Nabada Ex Wardhiigleey.

Bambooyinkan oo laba xabo ahaa, ayaa lagu weeraray hoygan oo ku yaala xaafadda Siigaale, gaar ahaan meel ku dhow wadada Dabka. Waxaana la soo sheegaya in bambooyinkaasi ku soo dhaceen afaafka hore ee hoygaasi.

Dhalinyaro kubbad ku ciyaareysay halkaasi, ayaa la soo sheegaya in waxyeelo ka soo gaartay, iyadoo la xaqiijiyay in afar ka mid ah dhalinyaradaasi ku dhaawacantay qaraxyadaasi.

Deeqa C/qaadir iyo ilaaladeeda, ayaa sheegay inaysan waxyeelo ka soo gaarin qaraxyadaasi, oo aan la garanayn cidda ka masuulka ah.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida oo gaaray goobta ay qaraxyadu ka dhaceen, ayaa waxay ka sameeyen baaritaan amni xaqiijin ah, walow aysan jirin cid ay u soo qab qabteen.

Qaraxyadan oo jugtooda laga maqlay Degmooyinka Hawlwadaag, Waaberi iyo Hodan, ayaa dareen baqdin leh geliyay bulshada ku dhaqan Degmooyinkaasi, sida ay ku sheegayan dadka deegaanka qaarkood.

Inta badan Ururka Al Shabaab, ayaa sheegta masuuliyadda qaraxyada ka dhaca Caasimadda Muqdisho, iyadoona ujeedadoodu tahay in ay ku carqaladeeyan xasiloonida.