MAQAAL:- Galmudug waa lagu khasaaray ee ha laga tashado.

0

Danta Federalism-ka laga lahaa ee Galmudug loo dhisay, waxay ahayd in si sharci ah ayadoo loo marayo xukunka dadka loo gacan gasho oo hantida qaranka laga wada faa’iideysto.Haddaba taas beddelkeedii maxaa dhacay.

1.Si an sharciga waafaqsaneyn baa ayadoo shuruudihii loo baahnaa ee labo gobol iyo ka badan an la wada fulin ayaa si khasab ah loo dhisay Galmudug .

2 . Reer Galmudug ma aqballin dhismahaas qooto qootadaa oo looma dhamma. Ahlu-Sunna iyo Galgaduud Sare waa qaadaceen labaduba oo ma aqoonsana kamana shaqeyso.

3.Markii la gaaray dantii loo dhisay oo ahayd doorashada iyo in laga soo saaro Xildhibaano Madaxweynaha maanta xilka ku sii haya, waxaa loogu tagay boob iyo caddaalad darro an weli laga sheekeyn. Gaar ahaan Reer Galgaduud Sare iyo intii Ahlu-Sunna lagu tuhmo si bareer ah baa loo dhacay.

4 . Galmudug waa xarunta laaluushka iyo maamul xumada. Guddiga Doorashooyinka Somalia iyo Caalamkuba waxay ku tilmaameen, meesha ugu liidata xagga ku dhaqanka habraaca iyo hannaanka doorashada Somalia. Waxayna ku matalleen god madow oo la isku boobo oo laaluush iyo yaa Damul-Jadiid ah ay ka shaqeyso.

5 . Horumar iyo amni midna lagama dhaxlin ee dib u dhac iyo xasillooni darro baa laga helay.

Gebagebo : Qaranku waa ku khasaaray Galmudug. Beelaha ku noolli waa ku dhibaataysan yihiin. Sidaas awgeed, ha laga tashado Galmudug oo yaan waqti dambe lagu dhumin . Beelaha kalsoonida kala laabtay ha la bogaadiyo hana lagu daydo.