Galmudug waxay fali lahayd fashay ee wixii laga fali lahaa baa dhiman.

0

Boob,musuqmaasuq, gabood-fal,iska-hor-keen iyo wax is-daba marin meeshii u sarreysay bay ka gaartay Galmudug.Qof kasta oo qunyar socod ahaa runtaa quusisay.Ma dhimana wax lagu eedeeyo oo looma fadhiyo wax san ee laga sugayo.Mugga bas waaye !! Hadda,waxaa la gaaray waqtigii laga tashan lahaa Galmudug. Annigu waxaan ku tallin lahaa sidan :-

1.Xildhibaanada la boobay ee illaa iyo hadda maraya 26 qof oo weliba sii kordhayaa,ha sameysteen gole ka dhexeeya oo wadajir dacwadahooda u qaabeeya.Ha qoreen waay-aragnimadii kharaareyd ee la soo marayiyey iyo waxay kala kulmeen maamulka Galmudug ,Waa muhim inay caddeeyeen laaluushka la weydiistay, cidda qaabilsan gorgorada iyo qofka qaada intaba.Ha sheegeen xujooyinka la hordhigay, sida yaad dooraneysaan?An kuu hiiliyee maxaan kaa helayaa, Iwm.Kashifaaddu waxay fududeynaysaa in xal la helo oo qoraalku waa markhaati raagaya.Waa muhim in la wacyi-geliyo ummadda oo si quman oo faahfaahin leh loo wargeliyo Beesha Caalamka.

2.Beelaha kala duwan ee Galmudug ka tirsan ee dhammaantood gefka iyo boobka loo geystay, ha ka tashadeen waxa kala gudboon dulmigii caamka ahaa ee ka dhacay Cadaado. Waa lagama maarmaan inay go’aan ku habboon ka qaataan.

3.Tirada yar ee an ka badneyd 20% ee ku guuleysatay Xildhibaanimada an loo boobin, waxaan leeyahay hambalyo.Xilka ad qaadeen ugu hiiliya dawladnimo hufan ee Somalia ka dhalata iyo in caddaalad caam ah la helo.La tashada damiirkiina oo ka weynaada jeebkiina.Ogaada in Damul-Jadiid tahay cadawga Somalia.

Waa soo dhaweynayaa ciddii tallo ka dhiibanaysa sidii looga bixi lahaa hungada iyo iyo dhibaatada lagala kulmay Galmudug.

—DHAMAAD—

un