Hay’adda NISA oo sheegtay in Al-Shabaab ay ku soo xireen Gaarigii Maanta Qarxay Taarigada Somaliland

0

Iyadoo Shalay Deegaanka Siinka-dheere ee Duleedka Magaalada Muqdisho uu ku Qarxay Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa kadib markii Ciidanka Amniga Soomaaliya ay ku joojiyeen Bar-Kontorol oo halkaas ay ku leeyihiin ayaa waxaa Qaraxaas ka hadlay Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Taliska NISA ayaa sheegay in Al-shabaab ay Gaariga Qarxay Maanta ku soo xireen Taarigada Maamulka Somaliland islamarkaana ay doonayeen in ay iska horkeenaan Labada Shacab.

Shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday Doorashada Xubnaha  Aqalka Hoose  ee Beelaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

1-7