MAQAAL:- Galmudug Waa Dhimatay Ee Ha Laga Tashado.

0

Dad badan oo xog ogaal ah ayaa saluugay cinwaanka qoraalkan oo yiri waxaa ka habboon “Galmudug waa bakhtiday ee ha laga tashado “. Waa bakhtiday waxaa loo isticmaalaa waxaan si sharciga waafaqsan ku dhallan /dhaqmin oo qaab dhaalimnimo ah ku khaatumeysta.Dadkaas daliilkoodii caddaa ma diidin oo run buu ku saleysnaa,hase yeeshee asluubta qoraalka awgeed baan u qaatay cinwaankan kore.

Galmudug waxay ka soo jeeddaa Gobolkii Galgaduud iyo qeyb ka mid ah Koofurta iyo bariga Mudug oo si wadajir ah loo mideeyey loona baxshay Galmudug -hase yeeshee an waddo sharci ah loo marin.Duruuf jirtey awgeed, qabaa’ilada dhulkaas degani waa ku samreen inay aqballaan Galmudug ayagoo xal-doon ah balse og xaqiiqda jirta. Sharci-darrada ka sokow, waxaa waqtigu xaqiijiyey in an dawladdu daacad ka ahayn dhismaha maamulka Galmudug ee dano gaar ah ay ka lahayd, sida;fududeynta googoynta Somalia si ay u baaba’do taasoo wadamo shisheeye ahi ay daba ka riixayaan, kala qoqobka qabaa’ilada iyo in laga soo xulo Xildhibaano u heelan sidii dib loogu soo dooran lahaa Madaxweynaha waqtigiisii dhamaaday.

Doorashadii ka dhacday Galmudug waxay ahayd taariikhda Somalia middii ugu musuqmaasuqa badneyd oo boob, laalush iyo daw-dhaaf oo dhan lagu maamulay. Xaafiiska Guddiga Xallinta Khilaafaadka Galmudug waa la xiray oo madaxdiisii inta la handaday baa la masaafuriyey, sidoo kale guddiga doorashada heer dawlad- gobolleed wuxuu u shaqeynayey sidii asagoo ka madax-banaan kan heer Federal! !Dhaqanka madaxdu wuxuu u ekaa inay saad-qaadaneyso oo Galmudug dhamaatay. Qabaa’ilada deegaanku dhibaatadii, caddaalad-darradii iyo iska-hor-keenkii loo geystay awgeed waa ka quusteen Galmudug. Haddaba, maxaa xigi kara quustan.

Xeel-dheerayaasha siyaasaddu waxay saadinayaan in Galmudug u kala burburi doonto ugu yaraan Maamulka Gobollada Dhexe, Galgaduud Sare, Galgaduud Bari,Ximan iyo Xeeb, Koofurta iyo Bariga Mudug (Ex Galmudug ),iwm. Waxaa muhim ah in lagu wacyi-geliyo dadka in kala tagani usan noqon mid dhiig badani ku daato oo ay iska kaashadaan maanta sidii loola xisaabtami lahaa cidda mas’uuliyadda leh oo danta ka raadineysa dhibaatada dadka iyo dalka Somalia.

Ugu dambeyn, waxaa muhim ah in la is-xusuusiyo in laaluushka, carqalladeynta hannaanka dimuqraadiyadda /doorashada iyo dawlad-dhiska, xad-gudubka xuquuqda aadanaha, iyo han-jebinta dadyowga colaadaha ka soo kabanaya ay maanta tahay dembi caalami ah oo ciddii gashaa in la aqoonsado oo la ciqaabo ay mudan tahay. Sidaas waxaa waafaqsan oo mas’uuliyaddi ka saaran tahay dhammaan dawladaha adduunka ee Somalia daneeya.

Waxaan soo dhaweynayaa cid kasta oo tallo ka dhiibanaysa sidii looga bixi lahaa hungada iyo dhibaatada lagala kulmay Galmudug.

—-DHAMMAAD—-