TOOS U DHAGEYSO:- Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Sheegay In Kursigii Beeshiisa La Boobay.

0

Wasiir Dowlaha Xiriirka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cali Mire Faafaale oo Maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Musuq Maasuq lagu dhiibay Kusigii uu u Tartamayay ee Beeshiisa islamarkaana Boobka lagu dhiibay Kursigaas ay Mas’uul ka yihiin Guddiga Doorashada Dadban ee Galmudug iyo Xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal.

Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Musharaxiinta Aqalka Hoose Ee Ceyr Bari,balse Kursigii uu u Tartamayay lagu sameeyay Musuq Maasuq kii ugu Xumaa oo Shaqsi kale loo dhacay si aan Shirci aheyn sida uu hadalka u dhigay.

“Ergadii 51 aheyd ee uu Saxiixay Ugaaska waa la badalay waxaa lagu badalay Ergo kale oo Xitaa aysan ku jirin kuwo aan Beesha Kursiga leh u dhalan,waxaana taas sameeyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug iyo C/llaahi Salaad Yarow oo kamid ah Guddiga Doorashada Galmudug iyo Xubin kale oo kamid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal,waxaana ay ku Tunteen Heshiiskii u yaalay Madasha Qaran ee Doorashada lagu Jaheynayay”ayuu yiri Faafaale.

“Sidoo kale waxaa kamid ah Caddaalad Darada lagu boobay Kursiga waxaa la igu wargaliyay 4-tii December in aan imaado oo ay doorashadu dhaceyso,balse ma dhicin oo Doorashadii waxaa ay qabsadeen 6-dii December Subax Hore taas oo ah Boob loo jeedo”ayuu hadalkiisa ku daray.

HOOS KA DHAGEYSO