Waa Immisa kuraasta u dhiman maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle?

0

Maamulka Galmudug tan iyo markii ay bilaabatay Doorashada Aqalka Hoose ilaa iyo hadda waxaa uu  doortay 34 mudane oo ka mid noqon doona baarlamaanka Soomaaliya , tirada xildhibaanada Aqalka Hoose ee laga rabo degaanada maamulka Galmudug waa 36 mudane , Galmudug ayaa waxaa u dhiman 2 kursi waxaana lagu wadaa in Maanta lagu doorto Cadaado ka dibna lasoo gabagabeeyo doorashada Aqalka Hoose.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale waxaa laga rabaa 38 mudane in ay ka yimaadaan degaanada maamulkaasi , waxaana ilaa iyo hadda la doortay 36 mudane, waxaana u dhiman 2 kursi.

Isbuucaan gudihiisa ayaa lagu wadaa in Magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar lagu soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Hoose.