WAR DEG DEG AH:- C/shakuur Cali Mire oo ku soo baxay doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado

0

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ayaa maanta ka dhacday magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug, waxaana doorashada kusoo baxay wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta.]

Cabdi Shakuur Cali Mire oo soo noqday wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo baxay doorashada xildhibaanada aqalka hoose oo ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

C/Shakuur Cali Mire ayaa helay 49 cod  halka musharaxa la tartamayay ee C/risaaq Cali Jaamac uu helay 2 cod.

Inta badan ergooyinka ayaa sida muuqata waxay u codeeyeen C/Shakuur Cali Mire.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa u muuqdaa mid soo gabo gabeeyay doorashada xildhibaanada labada aqal ee ka imaanaya deegaanada Galmudug.

cabdi-shakuur