DAAWO:- Wasiirka Warfaafinta oo ku soo baxay Doorashada Aqalka hoose ee Muqdisho ka socota

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ku soo baxay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose dadka matala Somaliland ee ka socota Magaalada muqdisho.

Wasiir Maareeye ayaa la tartamaayay Axmed Maxamed Cumar Kursiga todobaad ee dadka matala Somaliland,  Doorashada ka socota Xarunta Gaadiidka Booliska ee Muqdisho.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa helay codad gaaraya 51 waa tirada ay ka kooban tahay ergooyinka wax dooranaya ee fadhiyay madasha ay doorashada ay ka dhaceysay.

Axmed Maxamed Cumar oo ah ruuxa la tartamaayay Wasiir Maareeye ayaa qaab magac u yeel ahaan ah u fadhiyay goobta Doorashada, maadaama uusan helin hal cod xitaa.

Doorashada Dadka matala Somaliland, ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, iyadoo maanta qorshaha uu yahay in la doorto Kuraas gaareysa 10 Kursi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 maareeye-1 maareeye-2 maareeye-3