XOG RASMI AH:- Madaxweynaha Galmudug oo Galabta Iscasilaya

0

Ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in uu socdo qorshe lagu doonayo in uu Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqo iscasilaadiisa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdikariim ay ku adagtahay in uu sii wado shaqada maamulka Galmudug, macquulna ay tahay in uu iscasilo.

Madaxweynaha ayaa lagu sheegay Sababta uu isku Casilayo in ay tahay Arrimo Caafimaad,ka dib markii ay Dhaqaatiirtiisa gaarka ah ay kula taliyeen inuu ka Nasto Siyaasadda Mudo 6 Bilood ah.

Madaxweynaha Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed oo Magaalada Muqdisho uga qeyb galay Shirkii Madasha wada-tashiga Qaran ayaa dib ugu laabtay Shalay Magaalada Cadaado oo Galmudug Xarun u ah,waxaana la sheegay in la Baajiyay Kulan uu doonayay inuu Saxaafadda kula hadlo ka dib markii la sheegay inuu hadli waayay.

Mr.Guuleed ayaa 28 July ee Sanadkaan waxaa Qaliin dhanka Wadnaha ah uu ku galay Dhaqtar ku yaalla wadanka Hinda,waxaana tan iyo markii uu Xanuunsaday ay Dhaqaatiirtiisu kula talinayeen inuu Iska Joojiyo Siyaasadda.

Warar aan ka helnay Madaxtooyada Dowladda Galmudug ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu doonayo inuu Xilka iska Casilo markii ay dhacdo Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya, Xilligaas oo lagu sumaday in ay noqoneyso 18 Cisho ka dib.