Abshir Bukhaari oo hoggaaminaya Wareegga 3-aad ee Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare

0

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee dalka, ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, waxaana codadka hoggaaminaya Abshir Maxamed Maxamuud (Bukhaari).

Wareegii saddexaad ee Doorashada ayaa hada loo gudbay, iyadoo Codadka uu hogaaminaayo Abshir Bukhaari oo haysta codad gaaraya 19 cod.

Wareega Saddexaad waxaa u gudbay Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Dhagdheer oo haysta codad gaaraya 17 cod.

Wareegaan ayaa noqonaya midka ugu dambeeya ee labadan Xildhibaan ay ku kala bixi doonaan, maadaama codad guusha ay tahay 50+1.