Afduubka Maraakiibta Caalamiga oo warbxin laga soo saaray Sanadkii 2016-kii

0

Warbxin ay soo saartay hay’adda Caalamiga ah ee kormeerka iyo ilaalinta Badaha Sanadkii 2016 kii ayaa sheegtay in afduubkii Markiibta uu Sanadkaasi ahaa mid uu hos u dhacay gaarayna 191 dhacdo, halka sadandkii ka horeeyay 2015 kii uu ahaa 246  fal afduub Marakiib ah.

Hoos u dhaca ka yimid afduubka Maraakiibta marta biyaha caalamiga ee Badaha aduunka ee Sanadkii tagay ayaa la sheegay  inuu ahaa kii ugu hoosayay muddo haatan  laga joogo 18 Sano,waxaana la sheegay  in Sanadkii tahay afduubka Maraakiibta madax furashada laga qaatay ay ugu badnaayeen Xeebaha Galbeedka Afrika iyo Badaha u dhaw dalka Filibiin

Warbxintu waxay intaa raacisay in Sanadkii 2016 kii Burcad Badeedu afduubatay Todobo Markab  ayna madax furasho u qabsaden 151 qof oo bad Mareen ah, halka sanadkii  2015 kiina ay afduubteen 15 markab  ayna madax furasho ahaan u qabsadeen 271 qof oo saarnaa Maraakibtaasi.

Hay’adda Caalamiga ah ee kormeerka iyo ilaalinta Badaha adduunka ayaa warbxintan ay soo saartay  maaanta oo Talaado ah ku sheegtay  in Sadakii 2015 kii  uu ahaa sanad afduubka Maraakiibta ay Saddex jibaarntay marka loo eego sanadkii ka dambeeyay, waxayna intaa raacisay In bar ka mid ah Maraakibtaasi laga afduubtay Xeebaha  Galbeedeka Afrika.

Sidoo kale Biyaha Wadamada Maleysiya iyo Indoonisiya ayaa iyana laga afduubtay Maraakiib , waana la sheegay in Maraakiibtaasi laga afduubay labadasi dal loola baxsaday dalka Filibbin.