Akhriso:-Faallo: Saadaalin maxaa xigi kara doorashada madaxweynaha Soomaaliya kadib?

0

Dalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay 18 gobol iyo 92 degmo waxaana loogu yeeraa jamhuuriyadda Soomaaliya sannadkii 1991dii burburkii dowladdii Soomaaliya gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya waxay sheegeen inay ka go`een Soomaaliya waxayna la baxeen magacii loogu yeedhi jirey xilligii gumeysiga oo ahaa Somaliland waa maamul nidaam iyo abni ka jiro lehna nidaam dowli ah.

1998dii waxaa maamul u gooni ah sameystay gobolada bari ee dalka Soomaaliya waxayna sheegeen inay ka sii mid ahaanayaan jamhuuriyadda Soomaaliya laakiin ay yihiin dowlad goboleed waxaana loo bixiyey magac ka mid ah magacayadii hore dalka Soomaaliya loo yiqiiney oo ahaa dhulkii ugugga ama Puntland, waa maamul u dhisan hab dowli ah kana jiraan abni iyo nidaam.

2013 waxaa sameysmay dowlad goboleedka Jubaland oo muran badan dhaliyey kana sameysmay koonfurta fog ee jamhuuriyadda Soomaaliya oo xuduud la leh dalka Kenya iyo Itoobiya, maamulkani wuxuu ka taliyaa magaalooyinka kala badh dsegmooyinka uu maamulku ka koiban yahay lamana oran karo waxaa ka jira maamul dowli ah oo dhammeystiran ilaa hadda deegaanada uu maamulkani ka taliyo waa abni.

2015 waxaa sameysmay dowlad goboleed la baxay koonfur galbeed oo khariirad ahaan dalka Soomaaliya ka dhaca koonfur galbeed maamulkan wuxuu ka taliyaa magaalooyinkiisa laakiin weli miyaga ma maamulo lamana oran karo waxaa ka jira maamul dowli ah.

Dhammaadkii isla sannadkaas 2015 waxaa sameysmay dowlad goboleed la baxay Galmudug in kastoo uusan buuxin shuruudihii sharci ee u degsanaa habka dowlad goboleedka, maamulkaas oo ka sameysmay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, laba – saddex magaalo ayuu maamulaa lamana oran karo waxaa ka jira maamul dowli ah.

Dhammaadkii 2016 waxaa sameysmay dowlad goboleed la baxay Hirshabeele oo deris la ah caasimadda dalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waa maamul cusub oo la sameeyey dhammaadkii 2016 waxaana ka jirey muran badan.

Dhammaan maamuladaas kuwo waqti dheer jirsaday iyo kuwa cusub intuba waa maamulo ay ictiraafay dowladda Soomaaliya una aqoonsatay dowlad goboleedyo hoos taga jamhuuriyadda Soomaaliya.

Haddaan u soo dego ujeedadda qoraalkayga waxaa muuqata inta badan Soomaali u muuqata burburkii dalka 1991-kii kadib in mugdi soo kala dhaxgalay Soomaali meel ay joogtaba waxaana hubaal ah dhammaan maamul goboleedyadu inay ku dhismeen una dhisan yihiin rabitaan qabiil/qabiillo.

Dhammaadka bishan waxaa loo ballansan yahay in la doorto madaxweynaha Soomaaliya 2016-2020 haddii laga gudbo oo ay u dhacdo doorashadan si ka duwan doorashooyinkii laga soo billaabo 1992 illaa 2012 ka dhici jirey Soomaaliya waxaa la dhihi karaa way badbaaday SOOMAALI.

Dowlad goboleedyada qaarkood waxay noqon doonaan maamullo qabiil u arka oo saluugga haddii beeshii hore ee madaxweynaha Soomaaliya soo haysay laga soo billaabo 1992kii dib loogu soo celiyo doorashadan, waana tan keenaysa in Soomaaliya ka sameymaan dowlado yar yar oo itaal aan laheyn kuna tiirsan dano shisheeye.

5-tii Soomaaliya saddexbaa xorrowday waxaase hadda kuwii maqnaa ka maarmi waayey oo u sii socda laba kamid ah kuwii xorta ahaa, haddaad maqli jirtey xor baan rabnaa hadda Soomaali ayaa baddeshay oo gumeysi u ooman sida dadkeedu u aamineen qabyaaladda ayeyna eedeen.