AKHRISO:- Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, Beelaha ay ka soo jeedaan iyo Rajada ay kala leeyihiin

0

Musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa afar musharax oo marka laga reebo mid ka mida intooda kale kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)

Waa Guddoomiyaha baarlamaankii ugu danbeeyay ee sagaalaad, waa Aqoonyahan leh khibrad shaqo oo hore u soo qabtay xilal dowladeed oo kala duwan. Wuxuu kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle oo lagu riixo xilkan. Waxaa si weyn loogu saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono xilkan markii labaad, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aanu tartanka ku jirin musharax u dhigmi kara. Jawaari ayaa noqon doona mas’uulka ugu weyn ee Qabyadiisa dhameystira. Wuxuuna ka faa’iideystay taageero yari ku timid Qorshihii Shariif Xasan ku doonayay in musharax Daarood ah loo doorto xilkan isagoo soo sharxay musharaxa labaad ee hoos ku qoran.

 

C/rashiid Maxamed Xiddig

Waa musharax u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka markii ugu horeysay, khibradiisa hore waa mid yar oo ku kooban dowladihii KMG ahaa, wuxuuna hore u soo qabtay xilal wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowle. Wuxuu taageero ka heysta isbaheysi uuu hogaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilligii ugu danbeeyay kala daatay. Dhacdooyinkii ugu danbeeyay waxay muujiyeen inuu inksto uu noqon doono musharaxa kaalinta labaad ka gala tartanka inuusan wax guul keeni doonin. Dad aad u yar ayaa qaba in mucjiso dhici karto si Xiddig xilkan ugu soo baxo, laakiin waxaa iska cad inuu mari doono jidkii uu maray Cali Khaliif Galeyr doorashadii 2012.

 

 Cabdifataax Maxamed Geesey

Waa musharax ka soo jeeda Digil & Mirifle oo dhinaca khibradiisa iyo aqoon ahaanbta ku kooban tahay xilliyadan dambe. Wuxuu wasiir ka ahaa maamulka Koonfur Galbeed, horena u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Bay, ma jirto rajo ku saabsan inuu xilkan ku guuleysan karo ama codad badan ka heli karo xildhibaanada, waxaase musharaxnimadiisa ay ahayd mid uu ku doonayo inuu ku xumeeyo Shariif Xasan oo arrimo kala dhaxeeyaan.

 

Idiris Cabdi Dhakhtar

Waa musharaxa waa aqoonyahan dhinaca beeraha iyo Daaqa ah, wuxuu hore u noqday Guddoomiye ku xigeen Gole la baxay Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed, wuxuu kaloo ka mid ahaa madaxweynayaashii sheegtay inay maamulka Jubbaland madaxweyne u yihiin. Idiris ayaa leh mowqifyo xag jira oo beeshiisa Digil & Mirifle ku difaaco. Rajadiisa xilkan waa la oran karaa waa tan ugu hooseysa musharixiinta.