DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo toogtay Askari u dhashay Dalka Uganda

0

Al-Shabaab ayaa toogtay Askari u dhashay dalka Uganda oo ay gacanta ku hayeen, waxaana Askarigaasi lagu qabtay dagaal Al-Shabaab  iyo AMISOM dhexmaray Bishii September ee Sanadkii  2015 tii.

Sida ay daabacayaan Warbaahinta Caalamka Al-Shabaab ayaa Muuqaal ka soo duubay Askarigaasi ka hor inta aysan dilin.

Askarigaasi ayaa sheegay in ay dayacday dowladda Uganda ,islamarkaana muddo ka badan Hal sano uu gacanta u jiray Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Warbaahinta dalka Uganda oo si weyn u hadal haysa arintaani ayaa sheegaya in Askarigaasi ay dhagaha ka furaysatay dowladda, waxaana qaar ka mid ah Ehelada Askarikaasi ay sheegeen in ay muhiim aheyd in dowladdu ay wadahadal la gasho Al-Shabaab ka hor inta aan la toogan.

Dowladda Uganda ayaa dhowr jeer ku hanjabtay in ay soo furanayso Askarigaasi sanadkii 2016 dii.

Ilaa iyo hadda majirto Wax war ah oo kasoo baxay dowladda Uganda oo ku aadan toogashada loo geysatay Askarigaasi ka tirsanaa ciidanka dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Hoos ka Dhageyso Codka:-